Shirka Madaxda IGAD oo ka furmay Hotel Kempinski ee Magaalada Djibouti

Shirka Madaxda Wadamada IGAD ayaa goor dhow ka furmay Magaalada Djibouti, iyadoo ay ka qaybgalayaan Madaxda Wadamada Geeska Afrika.

Ra’iisal Wasaaraha Suudaan ahna Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD, Abdalla Hamdok ayaa shirka ka furay Hotel Kempinski, waxaana shirka ku sugan madaxda gobolka, marka laga reebo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Shirka 38-aad ee Golaha IGAD waa mid ay dalbatay Dowladda Somaliya, ka dib markii toddobaadkii hore ay warqad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Gudoomiyaha IGAD, Abdalla Hamdok.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo qayb ka ah wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Warbaahinta u sheegay in shirka looga hadlayo arrimo ay ugu muhiimsan yihiin xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Somaliya iyo Kenya.

Sidoo kale ajandaha shirka ayaa waxaa qayb ka ah dhiilada ka soo cusboonaatay xuduudda dalalka Itoobiya iyo Suudaan, qaxootiga ka cararay dagaalada Waqooyiga Itoobiya ee gaaray dalkaasi Suudaan iyo weliba sidii wadamada xubnaha ka ah IGAD ay u heli lahaayen tallaalka xanuunsidaha COVID-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com