Wariye Serjito oo maanta lagu xiray Magaalada Baydhabo

Wariye Maxamed Deeq Cabdiraxiin (Serjito) oo ka mid ah Wariye-yaasha sida weyn looga garanayo Magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu xiray magaaladaasi.

Ciidamada Booliska ayaa duhurnimadii maanta ninka Wariyaha ka soo xiray hoygiisa Magaalada Baydhabo, iyagoona ku xiray Saldhigga Dhexe ee magaaladaasi.

Wariye Serjito ayaa xaqiijiyay in uu iminka ku xiranyahay Saldhigga Dhexe ee Baydhabo, iyadoo aanay jirin sabab la’ogyahay oo uu ku xiranyahay.

“2-dii duhurnimo ee maanta (2:00pm) anigoo hurdo ayaa waxaa gurigeyga iigu yimid askar ka tirsan booliska, oo la’igu wargeliyay inaan xarig ah, anigoo aan la ii sheegin sababta aan ku xiranahay.” Ayuu yiri Wariyaha oo la hadlay Universaltv, isagoo xabsiga ku jira.

Wariyaha ayaa yiri “Gurigeyga ayay si qaab darro ah iiga soo kaxeeyeen, iyadoo aan xalay ku dhafray khudbaddii Madaxweyne Lafta-gareen uu ugu talagalay munaasabadda sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay markii xilka loo doortay. Sidii ayay igu keenayn Saldhigga Dhexe.”

Wariye Serjito ayaa cadeeyay inaanan oobiga lagu qorin magaciisa iyo asbaabta uu u xiranyahayba, waxaana uu yiri “Anigoo arkayo ayay ciidamada teleefanka ka waceen Taliyaha Saldhigga, Mukhtaar Axmed Ibraahim (Dugudow) oo markaasi saldhigga ka maqnaa, waxay ku dhaheen oobiga maxaan Wariyaha ugu qoreynaa oo dembi ah inuu ku xiranyahay, wuxuuna ku dhahay ‘Hala hayo bes’ waxba yaan oobiga loogu qorin. Marka meesha waxaa ka cad inaysan jirin sabab la’igu soo xiray oo jirto.”

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Saraakiil dooneysay inay damiintan in laga diiday, oo loo sheegay inaan u xiranahay amar ka weyn askarta saldhigga joogta.

“Waxaa layaab leh in xitaa niman Saraakiil oo doonaayay inay i damiintaan in laga diiday, oo lagu dhahay ‘Naga raali ahaada’ Wariyaha amar naga weyn ayuu ku xiranyahay.” Ayuu yiri Serjito.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan ka hadlin xariga Wariyaha loogu gaystay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

26-kii bishii August ayay ahayd markii sidaan oo kale Wariye Serjito loogu xiray Magaalada Baydhabo, ka dib markii uu wareystay dad dhaliilay shaqada Wasaaradda Haweenka, Xuquuqul Insaanka & Arrimaha Qoyska ee Koonfur Galbeed, inkastoo maalmo yar ka dib xabsiga laga sii daayay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com