Al Shabaab oo qarax la eegtay Ciidamo Kenyan ah

Ciidamo ka tirsan kuwa dalka Kenya ayaa Qarax lagula eegtay gudaha dalkaasi sida ay ku waramayaan Warbaahinta gudaha dalka Kenya.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana lala beegsaday Ciidanka oo maraayay waddada xeebta ah ee gobolka Lamu, Ciidanka ayaa ahaa kuwa illaalada xuduudaha loo yaqanno (BPU), waxaana weerar kaasi ka dambeeyay Dagaalaamayasha Al-shabaab sida ay Warbaahinta u sheeegen Saraakiisha Ciidanka la qarxiyay.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Saarakiishii iyo Ciidankii Bartilaameedku ahaa ay ka bad-baadeen Qaraxaasi dhulka loogu aasay, waxaana warbaahinta sida u Xaqiijiyay taliyaha Booliska gobolka xeebta ah Gabriel Musau.

Al-shabaab ayaa weeraro iyo Qaraxyo waxa ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, waxaana laamaha ammaanka dalkaasi ay tiro dhowr jeer ah ku dhawaaqeen howlo ballaaran oo ay shabaab kula dagaalamayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com