C/qaadir Siidii oo ka hadlay dagaalkii Magaalada Marka

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidii), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Marka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Nabad Suggida, ka dib markii la sheegay in Nabad Suggida ka carootay nin ay hal habeen ka hor Ciidanka Xoogga Dalka ku xireen magaaladaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay mid fool xun, isagoo intaa ku daray inaanay ahayn mid ugub ku ah magaalada.

“Dhacdadii xalay Marka ka dhacday arrin fool xun ayay ahayd, wax laga naxana way ahayd, waa dhacdo runtii aan ugub ahayn. Ciidamada Qalabka Sida qaybahooda kala duwan ayaa isku dhacay, waa Ciidamada Militariga iyo Nabad Suggida.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in labada ciidan la kala dhexgalay, xaaladda magaaladana ay maanta tahay mid degan.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay laba askari ku dhimatay dagaalkaasi, saddex kalana ay ku dhaawacantay, iyadoo askarta dhimatay lagu wareejiyay Hay’adda Dembi Baarista ee CID, halka kuwa dhaawaca ahna iminka lagu dabiibayo Magaalada Muqdisho.

Cabdulqaadir Siidii ayaa sidoo kale qiray in ay jiraan tiro rayid ahi oo ku dhaawacmay dagaalkaasi, inkastoo uu ka gaabsaday tiradooda rasmiga ah.

Wararka laga helayo Magaalada Marka ayaa sheegaya in illaa lix qof oo rayid ah ay ku dhaawacantay dagaalkaasi, ka dib markii qaarkood ay rasaasta ugu tagtay guryahooda.

Sidoo kale waxaa ay wararku sheegayan in tirada askarta ku dhimatay dagaalkaasi, ay ka badantahay inta uu sheegaya Gudoomiye Siidii.

Dhanka kale Siidii ayaa sheegay in Taliye-yaasha Ciidamada lagu amray in ay baaritaan ku sameeyan ciddii ka masuulka ahayd dagaalka ka dhacay magaaladaasi, si dib dambe aanay askartu ugu wada dagaalamin halkaasi.

Iska horimaadyada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda ayaa ku soo noqoqday Magaalada Marka, tiiyoo aad arki karta sida ay u saameynayso dadka deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com