Shacabka Mandhera oo cabasho ka gudbiyay Ciidamada Jubbaland

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Mandhera ee Gobolka Waooyi Bari Kenya ayaa si weyn uga horyimid Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaasi.

Ciidamada Jubbaland ayaa Jimcihii gaaray Degmada Mandhera, ka dib markii ay isaga kala yimaadeen Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo, waana xilli xiisad ay ka taagantahay xuduudda Mandhera iyo Beled Xaawo.

Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo haweenka deegaanka qaarkood ayaa cabasho ka dhan ah Ciidamada Jubbaland u gudbiyay Masuulka Dowladda Kenya uga wakiilka ah deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Jubbaland ay saldhigyo ka sameysteen beero ay leeyihiin dad rayid ah, oo ku yaala duleedka degmadaasi.

Sidoo kale reer Mandhera waxaa ay ka horyimaadeen wax kasta oo keeni kara in colaad ka dhacdo degmadooda, iyagoona dalbaday in 48 saac gudahood looga dulqaado Ciidamada Jubbaland, oo sida ay sheegeen uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Xuduudda Beled Xaawo iyo Mandhera waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa Ciidamada Somaliya iyo Kenya, ka dib markii uu xumaaday xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Ciidamada Jubbaland oo la safan Kenya ayaa iyagu xusulduub ugu jira in ay la wareegaan Gobolka Gedo, haddii dagaal uu xuduudda ka qarxo.

Dowladda Somaliya ayaa gacanta ku haysa Degmooyinka Gobolka Gedo, marka laga soo taggo Degmada Ceelwaaq, oo Maamulka Jubbaland uu ka arrimiyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com