Wasiir Falagle oo si adag u beeniyay in rayid lagu dilay Gaalkacyo

Axmed Shire Falagle, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in ciidamada ammaanka ay dad rayid ahi ku dileen Magaalada Gaalkacyo, xilli hawlgal ay ka wadaan.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay cidda qaadeysa masuuliyadda rayidka la sheegay in ay askarta ku dileen Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inaanay jirinba rasaas ka dhacday magaalada, oo laga warqabo.

“Maya, arrintaas anaga ma hayno, dad rayid ah oo la dilay ma jiraan, oo anagu aan ognahay. Sabab dad rayid loo dilaana hadde maba jiraan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo u waramay BBC ayaa yiri “Meeshii la tuhmo uun bay ciidanku gelayaan, meel ay kala kulmeen iska caabin ama xabado inta leesku riday ay dad ku dhinteen ma ay jirin.”

Wasiirka ayaa muujiyay in ciidamada ay bartilmaameedsanayan goobo gaar ah, isla-markaana aanay jirin wax iska caabina oo ay illaa iyo hadda kala kulmeen cidda ay beegsanayan.

“Meelaha ku talagalka loo gelaayo waxa ay ahayd meelo tuhun ka jiray, iska caabin iyo xabadana kama dhicin, si nabdoon baa ciddii loo gol lahaa loogu tagay. Marka wax haba yaraatee ma jiraan oo dad lagu dilay, inaba ha noqotee.” Ayuu yiri Wasiir Falagle.

Ka dib weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii ka dhacay magaaladaasi ayaa Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo waxaa ka socda hawlgal lagu baadigoobayo, kuwii soo maleygay weerarkaasi.

Weerarkan oo lagu dilay shan iyo toban qof oo Saraakiil MIlitari u badnaa ayaa waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab, iyadoona saamaynta weerarkaasi laga dareemay magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com