Maxay ka wadahadleen Madaxda Jabuuti iyo Somaliland? (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, ka dib markii uu martiqaad ka helay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa wafdiga Madaxweynaha Somaliland ku qaabilay Aqalka Madaxtooyada ee dalkaasi, iyadoona ay labada dhinac ka wadahadleen arrimo dhawra.

Geba-gabadii kulanka ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, isagoona faah faahiyay waxyaabihii ay labada dhinac ka wadahadleen.

“Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Jabuuti waxa ay ka wadahadleen dhinaca ka caawin horumarka, oo ay Somaliland u baahantahay taageerada Jabuuti, dhinacyada qaar.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxyaabaha aan ka caawin doono waxaa ka mida biyo-gelinta Caasimadda Hargeysa oo loo diri doono khubaro ku takhasusay arrimahaasi.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray “Dhinaca xuduudda Looya-cadde iyo Saylac ayay sidoo kale isla soo qaadeen labada Madaxweyne, waxyaabaha isaga gudba dhinaca ganacsiga ee xadka, gawaarida xamuulka qaada ee labada dhinac iyo sidii labada bulsho ee ku kala dhaqan xuduudda ay u heli lahaayen waxyaabaha aasaasiga, oo uu ka mid yahay ganacsiga.”

Wafdiga Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maalmaha soo socdo sii jooggi doono Magaalada Djibouti.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com