SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliland oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo kooban, waxana muddada ay madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisa ahi halkaas joogaan lagu lafo-guri doonaa arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka & danaha ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa ku wehelinaya safarkiisa shaqo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com