Booliska oo ka hadlay weerarkii ka dhacay Degmada Kaaraan

Taliska Ciidamada Booliska  Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay weerar lagu qaaday xarunta Maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in rag Burcad Ciidan u yaal ah oo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta degmada, isla markaana ay dileen ex- Dable Boolis Ciise Xasan Cismaan, Dable Boolis Caamir Cabdullaahi Xiireey & qof shacab ahaa.

Afhayeenka Booliska Somaliya oo Shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Saldhiga Booliska degmada Kaaraan ayaa waxaa uu sheegay in ay ku raadjoogaan raga Burcadda ah ee weerarka ku qaaday xarunta degmada, isla markaana ay Cadaaladda horkeeni doonaan.

Marka laga soo tago warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa Warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen in weerarka ka dhacay Kaaraan ay ku lug lahaayeen qul qulatooyin maalmahaan ka jirtay degmadaas.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com