Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo garaacay Degmada Saakow

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa maanta weerar dhinaca cirka ka gaystay agagaarka Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, oo Al Shabaab ay ka arrimiso.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa war uu soo saaray ku sheegay in duqeyntaasi lagu waxyeeleeyay xarun ay halkaasi ku lahaayen Shabaabka.

Warka laguma sheegin wax khasaaro ah oo weerarkaasi ka soo gaaray dagaal-yahanada Al Shabaab, ha yeeshee uu Mareykanka qiimeynayo in waxyeelo ay dadka rayidka ah ka soo gaartay duqeyntaasi iyo in kale.

“Waxaan qiimeyneynaa in ay waxyeelo ka soo gaartay dadka rayid ah, duqeyntan oo sababtay in argagaxisada ay baqo cagaha jabsadaan.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono weerarada dhinaca cirka ee lagu kala dhantaalayo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

“Dadaalada lagu kala dhantaalayo hawlgalada cadowga, sidoo kalana lagula soconayo oo cadaadis lagu saarayo Shabaabka weli way socdaan.” Ayaa lagu yiri warka.

Ururka Al Shabaab ayaan ka hadlin duqeynta maanta ka dhacday nawaaxiga Degmada Saakow, inkastoo aan Shabaabka looga baran inay ka hadlaan duqeymaha ka dhanka ah.

Duqayntan ugu dambeysay ee ka dhacday Koonfurta Somaliya ayaa imaanaysa, xilli Ciidamada Mareykanka ay bilaabeen wejigoodii ugu horeeyay ee ka bixitaanka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com