Maxaa ka soo baxay Shirkii Madaxweynayaasha Puntland & Galmudug?

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa Maanta lagu qabtay  Shirka iskaashiga Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland, kaas oo ay ka qeyb-galeen Madaxweynayaasha labada maamul ee Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor & Saciid Cabdullaahi Deni.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay  dardar gelinta iskaashiga labada xukuumadood ee Arrimaha amniga degaannada Gobolka Mudug  iyo Doorashada qaran ee lagu muransan yahay.

Warmurtiyeedkii Shirka laga soo saaray ayaa sidan u qornaa.