Wariye Dulyar: Reer Beledweyne waa gob, waana mahadsan yihiin

Wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa, ka dib markii xalay lagu xiray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Idaacadda Hiiraanweyn, Maxamed Cismaan Makaraan ayaa isna saakay lagu xiray magaaladaasi, ka dib markii uu xabsiga ku booqday Wariye Dulyar.

Wariye Dulyar ayaa loo xiray wareysi uu Arbacadii duleedka Magaalada Beledweyne kula yeeshay General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud), oo madax ka ah jabhad ka soo horjeedda Maamulka Hirshabelle.

General Xuud ayaa si weyn uga biyo diidan doorashadii 11-kii bishii November ka dhacday Magaalada Jowhar, ee Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loogu doortay Madaxweynaha Hirshabelle.

Dadaalo ay dhinacyo kala duwan ka qayb qaateen ayaa horseeday in ay dib xorriyadooda u hellaan labada Saxafi, ee siyaabooyinka kala duwan loogu xiray Magaalada Beledweyne.

Wariye Dulyar ayaa sii deysmadiisa uga mahadceliyay dhammaan intii ka qayb qaadatay, isagoona yiri “Waxaa u mahadcelinayaa Allah SWTC, marka xigana dhamaan axsaabteyda, siyaasiyiinta, Suxufiyiinta, bahda barraha bulshada, shacabka Beledweyne, Ururka Dhalinyarada Beledweyne, Suxufiyiinta Beledweyne iyo dhammaan intii ka xumaatay xariga naloo gaystay Aniga iyo saaxiibadey. Reer Baladweyne waa gob waana mahadsan yihiin.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com