Xildhibaan Muudey: Goodax Barre xitaa banoonigii wuu siyaasadeeyay

Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ka jawaabay warkii caawa ka soo yeeray Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ee uu kaga hadlay guuldarada kooxda Hirshabelle ka soo gaartay kulankii ay galabta la ciyaareen kooxda Galmudug.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa sheegay in Hirshabelle oo noqotay kooxdii ugu horeysay ee tartanka ka harta ay direyso farriin si cad loo wada sawirran karo, waxaana uu yiri “Waxaan u hambalyeynaya ciyaartoyda Galmudug guusha ay gaareen. Hirshabelle in laga badiyay kulamadii ay ciyaartay, eber-na ay la laabato, taageerayaal badanna haysan, isla-markaana ay noqoto maamulkii u horeyay ee ka hara tartanka, waxay diraysaa farriin cad oo la wada sawirran karo.”

Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa si kulul ugu dhaliilay Xildhibaan Goodax in uu si aan ganbasho laheyn u siyaasadeeyay ciyaarta ka dhacday Garoonka Injineer Yariisow ee Degmada Cabdicasiis.

“Xildhibaan Cabdullahi Goodax Barre xitaa banoonigii ciyaartoydeena maanta ciyaareen si aan ganbasho laheyn ayuu u siyaasadeeyay, waana qayb ka mida isku dhax-yaaca siyaasiyiinteena qaar ee walaalkey Goodax ka mid yahay. Waxaan leeyhaay walaalkey Goodax waxaa maanta ciyaarayay waa dhallinyaradii aad wakiilka uga aheyd siyaasad ahaan Dowladda Dhexe ee mudnaa in aad gubaabiso, garab istaagto ee ma mudneyn iyagii magaceena guud sharafkiisa nagu matalayay aad jawaab uga dhigto xil raadintaada kuu gaarka ah.” Ayuu yiri Xildhiibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey.

Waxa uu sheegay in kubadda cagta ay tahay cad iyo madow, weligeydna la kala badin jiray, maanta haddii aanay guuleysana ciyaartoydooda ay berrito guuleysan doonaan.

“Walaalkey Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre waxaan u sheegayaa kubadda cagta inay cad iyo madow tahay, weligeydna waala kala badin jiray, mana ahan wax nagu cusub. Ciyaartoyda Hirshabelle waxay galabta soo bandhigeen ciyaar aad iyo aad u wanaagsan, dadka oo dhan-na way ka markhaati kacayn, laakiin nasiibka ayaa dhanka kale noqday, waana ugu hambalyeynay walaalahayn Galmudug guusha ay gaareen. Haddii maanta nalaga badiyay, berri ayaan badinaynaa, taas ayaana loo baahanyahay inuu nala fahmo walaalkey Goodax, isla-markaana uusan siyaasadeyn kubadda cagta iyo is dhexgalka bulshada.” Ayuu yiri Mudanaha Baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan.

Xildhibaan Muudey ayaa tilmaamay in ciyaaruhu yihiin aalad ay isku dhexgalaan bulshada, kana baxsan wax kasta oo xaalad siyaasadeed abuuri kara.

“Isboortigu waa aalad ka mida is dhexgal bulshada, kana hufan abuuridda khilaafyada siyaasadeed ee lagu kala aragti duwan yahay, macna ahaanna kama tarjumeyso siyaasadda gaarka noo ah ee Hirshabelle State leedahay. Waxay ku wanaagsaneyd halkii uu qoraal uu ugu gefi lahaa ciyaartoydeena uu qaato doorkii aan maanta u muujinay ciyaaryahanadeena, taasoo waajib ku ah ruux kasta oo masuul ah ama aan masuul aheyn ee ku aftirsada deegaan-weynaha Hirshabelle.” Ayuu yiri Muudey.

Muudey ayaa u sheegay Goodax in kulankii ay maanta isku wajaheen kooxaha Hirshabelle iyo Galmudug uu ka duwan yahay siyaasadda ay labadoodu ku kala aragtida duwan yihiin.

“Waxaan ugu dambeen u tusaaleynayaa Xildhibaan Goodax ciyaartii maanta dhacday way ka duwan tahay ciyaaraha siyaasadeed ee aan adiga iyo aniga ku kala aragtida duwanahay.” Ayuu yiri Xildhibaan Muudey oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta uu ku leeyahay shabakadda bulshada wada xiriiriso ee Facebook.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com