Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland oo shaqo joojin lagu sameeyay

Wasaaradda arrimaha gudaha, dib u heshiisiinta iyo Dimuquraadiyeenta maamulka Puntland  ayaa shaqo joojin ku sameysay guddoomiyihii magaalada Gaalkayo ee gobolka Mudug Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed kadib markii wasaaraddu ay sheegtay in shacabku ay cabasho ka keeneen maamulka degmada sida lagu xusay qoraal soo baxay.

Hanti dhawraha guud ee Puntland ayaa la faray inuu ka guto waajibaadka Shaqo ee kala xiriira arrintaan, kadib markii ay soo baxday arrimo ku saabsan lunsasho dhaqaale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com