Nabadoon goor dhaw lagu toogtay Muqdisho

Waxaa goor dhow Suuqa Ariga ee Degmada Dayniile lagu dilay Nabadoon Macalin Cabdi Siyaad Geedi oo ka mid Nabadoonada ku nool Magaalada Muqdisho.

Nabadoonka waxaa dilay kooxo Biskoolado ku hubeysan oo dhowr xabadood ku dhuftay xili uu nabadoonka ku sugnaa gudaha Suuqa uu ka shaqeynayay.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa meesha ka baxsatay, waxaana ay ahaayeen dabley Bistoolado watay oo dadka ku dhex dhuuntay.

Nabadoonka la dilay allaha u naxariistee ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu ka mid ahaa Odayaashii wax ka soo doortay Baarlamaanka Waqtigiisa dhamaaday ee hadda shaqeeya.

Dilalka loo gaysto Nabadoonada & dadka waxgalka u ah Bulshada ayaa ku badan Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com