SAWIRRO: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo gaaray Magaalada Garowe

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed Abshir Airport Garoowe kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Wafuuda kala duwan ee maanta yimi Puntland iyo kuwo la filayo inay maalmaha soo socda soo gaaraan Garoowe, ayaa dhammaantood ka qeybgeli doonta Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Ammaanka Magaalada Garowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya Ciidamada ammaanka Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com