Cumar Filish oo caawa la kulmay kooxda Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa la kulmay kooxda Gobolka Banaadir ku meteleysa koobka kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ee ka socda Garoonka Injineer Yariisow ee Magaalada Muqdisho.

Ciyaartoyda Gobolka Banaadir ayaa Isniinta berrito waxa ay kulanka Semi Finalka la ciyaari doonaan kooxda Koonfur Galbeed, oo middii soo badisaa ay Finalka la ciyaari doonto kooxda Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Duqa Muqdisho uu kormeer dhiirigelin ah ugu tagay kooxda Gobolka Banaadir.

“Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), oo ay wehliyaan Gudoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wecyigelinta, Basma Caamir Axmed, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyaha Isboortiga iyo qaar ka mid ah Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa caawa kormeer dhiirigelin ugu tagay xulka kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir, oo berri ciyaarta Semi Finalka la ciyaari doono dhigooda xulka Kubadda cagta ee Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com