Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ka dib markii maanta ay ka dhaceen bannaanbaxyo rabshado wata.
Dad bannaanbax ka waday magaalada iyo Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in isku dhacyo ay dhex mareen. Rasaas ay furayn ciidamada ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex qof.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada Booliska ay markii dambe dib u gurteen, isla-markaana ay bannaanbaxayaasha u ogolaadeen inay isku soo baxyadooda sii wataan.
Bannaanbaxayaasha ayaa ka carooday dhawr qof oo labadii maalmood ee ugu dambeysay lagu xiray Magaalada Beledweyne, waana midda keentay in ay maanta wadooyinka isugu soo baxaan.
Dadkan ayaa lagu eedeeyay in ay ka soo horjeedaan Maamulka Hirshabelle, isla-markaana ay taageersan yihiin jabhadda uu hoggaamiyo General Xuud, ee ka biyo diidan Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Bannaanbaxayaasha ayaa waxay xireen wadooyinka magaalada, waxaana la soo sheegaya in ay weli xiran tahay wadada marta bartamaha magaalada
Saraakiisha ciidamada iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin xaaladdaan ku soo korortay magaaladaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com