Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa maanta saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir, ka dib markii ay meel mariyeen guud ahaan masuuliyiinta kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.
Tirada guud ee Maamulka ee goobta fadhiyay ayaa waxay aheyd 65 Ergo, waxaana ansixiyey Miisaaniyadda 62 Ergo, waxaa diiday 0, waxaana ka aamustay 3 Ergo.
Miisaaniyadda sanadka 2021 ee Maamulka Gobolka Banaadir ee la meel mariyey ayaa noqoneysa $36,857,503.00.
Ansixinta Miisaanidda Gobolka Banaadir ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Gobolka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmai.com