Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa Magaalada Gaalkacyo ku qabtay jawaan laga soo buuxiyay walxaha qarxa, sida ay caawa sheegtay Wasaaradda Amniga Galmudug.
Wasaaradda Amniga ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in walxahaasi qarxa la qorsheynayay in laga sameeyo miinooyinka lagu dhejiyo gaadiidka.
Warka ayaa u qornaa sidatan:-
“Ciidamada amniga Galmudug ee ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo iyo agagaarkeeda ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan jawaan laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo loo qorshaynayey in laga sameeyo miinooyinka gawaarida lagu dhejiyo.”
“Magaalada Gaalkacyo waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday hawlgalo baaritaan oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, isla-markaana looga hortagayo kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysanaya magaalooyinka.”
“Wasaaradda Amnigu waxay boggaadinaysaa hawlgalada ciidamada amnigu ay wadaan, ayadoo looga mahadcelinayo shacabka Gaalkacyo sida wanaagsan ee ay ula shaqaynayaan ciidamada.”
Warka laguma sheegin goobta rasmiga ah ee laga soo qabtay jawaankaasi walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in laga helay guri ku yaala Koonfurta Gaalkacyo.
Ka dib weerarkii ismiidaaminta ee 18-kii bishan ka dhacay Koonfurta Gaalkacyo, laguna dilay dadkii Saraakiisha Militariga u badnaa ayaa waxaa Gaalkacyo ka socday hawlgalo lagu baadigoobayo kuwii soo maleygay weerarkaasi.
Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta sheegay in hawlgalada lagu qabqabtay dad lagu tuhmayo Shabaabnimo, kuwaa oo sida uu sheegay sharciga la horkeeni doono.






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com