Waxaa maanta ku ekaa muddo xileedka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya oo afar sano ah.
Muddo xileedka Baarlamaanka 10aad ee dalka ayaa dhamamaday, xilli aanu diyaar ahayn midkii kale ee bedeli lahaa, oo Baarlamaanka 11aad ah.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in Baarlamaanka haatan jira uu sii shaqayn doono, illaa laga helo Baarlamaankii bedeli lahaa.

Sharci-yaqaan Cabdirisaaq Nuux Xasan ayaa sheegay sida uu sharcigu qabo inuu sii shaqayn doono Baarlamaanka uu waqtigiisu dhammaaday, illaa iyo inta uu kala wareegayo Baarlamaanka soo socda.
Cabdirisaaq Nuux oo la hadlay BBC ayaa tilmaamay in Baarlamaankii 9aad uu wax ka bedelay muddo xileedka Baarlamaanka ee afarta sano ah, isagoona ku soo kordhiyay in Baarlamaanka uu sii shaqayn karo, illaa iyo inta laga helaayo midkii bedeli lahaa, waxaana sidaasi loo sameeyay buu yiri si aanay u istaagin hawlihii Baarlamaanka.
Waxa kaloo uu sheegay inaanay waxba iska bedeli doonin hawlihii shaqo ee Baarlamaanka, sidoodii horena ay u sii socon doonaan, inta midka cusub uu kala wareegayo.
Dhammaadka muddo xileedka Baarlamaankan ayaa ku soo aadaya, xilli khilaaf xoog lihi uu hareeyay arrimaha doorashooyinka ee dalka, isla-markaana aan la garanayn goorta laga gudbi doono khilaafaadka jira.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com