Xasan Sheekh, Shariif Xasan iyo Qoorqoor oo gaaray Garoowe (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay qayb ka yihiin Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa galabta gaaray Magaalada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno kale ayaa wafdiga Madaxweynihii hore ee dalka ku soo dhaweeyay magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa isla maanta Magaalada Garoowe gaaray wafdi kale oo uu horkacayay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaana Garoonka Diyaaradaha ee General Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Madaxweyne Deni.

Garoowe waxaa horey u gaaray xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin kale, si ay uga qaybgalaan Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Heritage oo ka furmaya magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com