R/Wasaare Ku xigeenka Somaliya oo gaaray Magaalada Garowe

Waxaa maanta magaalada Garowe ka dagay ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu hoggaaminaayay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa halkaas ku qaabilay kuna soo dhaweeyay weftigan uu hoggaaminaayay ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Garoowe gaaray qaar ka mid ah madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo masuuliyiin kale oo badan.

Waxaa la filayaa inay ka qeybgeli doonan Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.

Garowe waxaa ku wada sugan mucaarad & Muxaafid oo wada jooga Magaalada, iyadoo ay jirto kala aragti duwanaansho Siyaasadeed oo ku qotonta Arrimaha Doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com