Saddex ka mid Dharcadda NISA oo Muqdisho lagu toogtay

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar dabley hubaysan maanta barqadii ay ku toogteen rag ka mid Ciidamada Dharcadda ee Hay’adda Nabad suggida Somaliya.

Raggaan dharcadka ah ee la toogtay ayaa tiradooda waxa ay gaareysa Saddex ruux oo wada fadhiday goob, waxaana la sheegay inay soo weerareen ragga hubaysan.

Ragga dilka gaystay oo watay gaari nooca raaxadda ayaa la sheegay inay rasaas la dhaceen Saddexdaan nin ee ka tirsanaa NISA qaybta dharcadda, waxaana meesha ka baxsaday dableydii dilka gaysatay.

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilkaan ayaa waxa ay sheegeen in Degmada Waaberi, gaar ahaan Buundooyinka ay ku toogteen Saddexdaasi nin ee dharcadda ahaa.

Ciidanka Dharcadda ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ka shaqeeya ayaanan laheyn khibrad ciidannimo, maadaama ay u badan yihiin dhalinyaro la iska soo qoray oo qaarkood aan hubka xittaa si wanaagsan u aqoon.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com