SAWIRRO: Madaxweynaha Jubbaland oo gaaray Magaalada Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa si wanaagsan loogu maamusay Garoonka Diyaaradaha Garowe, waxaana intaasi kadib loo galbiyay Madaxtooyada Garowe.

Axmed Madoobe ayaa ka qayb galaya Shir ku saabsan xaaladda kala guurka ee Somaliya oo Machadka heritage ku qabanaayo 29ka Bishan Magaalada Garowe.

Garowe waxaa jooga madax kala duwan oo ka socda Dowladda Federalka Somaliya & Dowlad Goboledyada qaarkood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com