Wareysi xiiso badan: Xidiga Maxamed Maxamuud Axmed (Sarqaawi)

Maxamed Maxamuud Axmed (Sarqaawi) waa halyeeyga ciyaartii xiisaha iyo xamaasadda badneyd ee shalay Magaalada Muqdisho ku dhexmartay kooxaha Galmudug iyo Puntland, isagoona Galmudug ka caawiyay labadii gool ee ay kaga adkaatay dhigeeda Puntland.

Ciyaartan oo ahayd middii loogu daawashada badnaa, kadib dib u yegleelidda Dowladnimada Somaliya ayaa waxay ku soo idlaatay 2-1, oo ay Galmudug ugu gudubtay Finalka koobka kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga soconaya Garoonka Injineer Yariisow.

Maxamed Maxamuud Axmed (Sarqaawi) oo la hadlay BBC ayaa yiri “Run ahaantii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay guushaas aan shalay gaarnay aniga iyo kooxdeeda Galmudug, waxayna noo ahayd guul anaga aad noogu muhiima, aan ugu gudbeynay Final.”

Waxa kaloo uu yiri “Ciyaartii shalay boqolkiiba boqol (100%) aad baan anaga u dadaalnay, laba gool iyo ka badanba waan rajeynaayay run ahaantii, laakiin laba gool baan helay.”

Sarqaawi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Puntland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in si dhiiranaan leh uu isaga muujiyo ciyaartaasi.

“Inaan ka dhex muuqdo ciyaartaas aad iyo aad baan ugu rajo weynaa, waana ku dhiiranaa inaan ciyaartaas iska muujiyo.” Ayuu yiri Sarqaawi.

Mar la weydiiyay isagoo reer Puntland ah sida uu ugu saftay kooxda Galmudug ayuu yiri “Kubadda cagta waa is dhexgal bulsho, mana lahan meel aad ka soo bilowday iyo meel aad ku dhalatay. Kubadda sideedaba meesha adiga lagaa rabo ama kubadaada ay horey uga socon karto inaad tagtit oo aad horey ugu sii socotidaa fiican, meeshaada inaad taagnaato adiga ayay nasiib xumo kugu tahay, anigana waa horumar aan sameeyay iyo inaan kubadeeda horey u sii wado Galmudugey ii geysay inaan metelo.”

Su’aal ahayd inuu fursad ka waayay Puntland iyo in kale ayaa ku ku jawaabay “Aniga Puntland fursad i siiya ma oran, iyaga naftirkoodana kubadeeda iguma aynaan qiimeyn macalimiinta iyo dadka soo xulay kooxda Puntland.”

Si kastaba ha ahaatee Sarqaawi iyo kooxdiisa Galmudug ayaa waxay ciyaarta kama dambeysta ee Finalka, ay la ciyaari doonaan kooxda Gobolka Banaadir, oo galabta 3-1 kaga adkaatay kooxda Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com