Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanada Hirshabelle ayaa si adag uga hadlay dhacdadii Maqribnimadii caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho, laguna weeraray ciyaartoyda Koonfur Galbeed ku meteleysa tartanka koobka kubadda cagta ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga socda Magaalada Muqdisho.
Bas ay la socdeen ciyaartoydan ayaa lagu weeraray agagaarka Garoonka Injineer Yariisow, waana wax yar uun ka dib, markii ay soo idlaatay ciyaartii galabta garoonkaasi ku dhex martay kooxaha Banaadir iyo Koonfur Galbeed, oo 3-1 ay guusha ku raacday kooxda Gobolka Banaadir. Weerarka oo loo adeegsaday dhegxaan ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro ka mida ciyaartoyda Koonfur Galbeed, iyadoona dhaawacyada la dhigay Isbitaalka Digfeer.
Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka hadlayay dhacdadan ayaa yiri “Waxaan ka xumahay in gacan kahadal ciyaartoydii ka socday Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya lala jiifiyo isbitaalada Muqdisho. Waa wax ayaan darro ah falka lagula kacay ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed, mana garan karo sababta keeni karta in gacan kahadal lagu sameeyo.”
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka Banaadir in uu ka shaqeeyo, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kuwii falkaasi foosha xun ka dambeeyay.
“Waa muhiim in Maamulka Gobolka Banaadir uu la yimaado soo qabashada kuwii falkaa lagula kacay walaalahood ee ka dambeeyay.” Ayuu yiri Mudanaha Baarlamaanka Hirshabelle ka tirsan.

Xildhibaan Muudey ayaa tibaaxay in weerarkani uu xumeynayo muuqaalka quruxda badan ee ka jira Garoonka Injineer Yariisow, iyadoona uu falkaasi ku tilmaamay mid lagu argagax gelinayo bulshada.
“Sawirkii quruxda badnaa ee laga haystay ciyaaraha ka socda Garoonka Injineer Yariisow ayay sumcad xumo ku tahay waxa ka dhacay Magaalada Muqdisho. Falkan waa argagax gelin bulsho, kuwii dadka argagax geliyayna waa inaan sidaan looga harin. Si dhibkan uusan mar dambe noogu soo noqon.” Ayuu yiri Xildhibaan Muudey oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Muudey ayaa intaasi ku daray “Isboortigu waa furaha keliya ee loogu talagalay xal u helidda colaaadaha, loona gudbo nabad, midnimo iyo is dhexgal bulsho oo xasiloon.”
Ma cadda ujeedada loo bartilmaameedsaday ciyaartoyda Koonfur Galbeed, waxayna noqotay dhacdada caawa loogu hadalhaynta badan yahay barraha bulshada.
Waa weerarkii ugu horeeyay oo ceynkiisa ah Caasimadda Muqdisho loogu gaysto ciyaartoyda, tan iyo markii tartankan laga bilaabay dalka, dhawr sano horteed.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com