Xildhibaanada Waqtigooda dhamaaday oo maanta kulan ku leh Muqdisho

Xildhibaannada Waqtigooda dhamaaday ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo isniin ah ay yeeshaan kulankoodii cadiga ahaa, iyaga oo uga hadli doonaan qodobo muhiim ah.

Xildhibaannada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in uu jiro kulan weynaha Baarlamaanka, isla markaana Ajandaha kulanka maanta uu yahay Akhrinta  2aad ee Qoondada Miisaaniyadda 2021.

Xalay ayaa waxaa Xildhibaannada lagu wargeliyay in uu Maanta jiro shirka Golaha Shacabka, waxana guddoonka Golaha ay ugu baaqeen Xildhibaannada inay soo xaadiraan oo ay waqtiga ilaaliyaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mudada xilheyntooda uu shalay ku ekaa, hayeeshee ay sii joogayaan ilaa iyo inta Baarlamaanka cusub laga dooranayo, waxana weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo u baahan inay meel mariyaan.

Waxaa suuragal ah Xubnaha Golaha Shacabka ee waqtiga uu ka dhamaaday shirkooda maanta inay ku soo hadal qaadaan arrimo kale oo dalka ku saabsan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com