Dad badan oo ku dhintay qarax ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Ugu yaraan toddobo qof oo uu ku jiro canug yar oo lix bilood jiray ayaa ka dhintay qarax ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Gaari nooca dadweynaha oo ka ambabaxay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa haleelay qarax wadada dhinaceeda lagu aasay, xilli uu gaariga ku safrayay wadada xiriirisa Afmadow iyo Dhoobley, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Taabto oo 60km u jirta Dhoobley.

Dhibane-yaasha ayaa xalay la gaarsiiyay Dhoobley, halkaasoo lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi.

Maamulka Jubbaland ayaan ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose, waxaana uu ku soo aadaya, iyadoo shalay ay Jubbaland sheegtay in ay fashilisay weerar argagixiso.

Hay’adda Nabad Suggida ee Jubbaland ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxaa ay ku sheegtay in ay Magaalada Kismaayo ku fashilisay qarax miino, oo la doonayay in lagu dilo mid ka mida ganacsatada magaalada, ka dib markii qaraxaasi loogu xiray gaarigiisa. Nabad Suggida ma sheegin magaca ninkaasi iyo haddii falkaasi dad loo soo qabqabtay iyo haddii kalaba.

Wadada Dhoobley iyo Afmadow ayaa waxaa ku soo noqnoqday qaraxyada lagula eegto gaadiidka ay la socdaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya, ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com