Muudey oo u jawaabay Goodax Barre

Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey ayaa ka jawaabay warka ka soo yeeray Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ee uu kaga hadlayay xaaladda ka taagan Gobolka Hiiraan.

“Weli walaalkeen Xildhibaan Goodax Barre wuxuu nafis siyaasadeedkii u gaarka ahaa ka raadinayaa muuqaal la soo duubo, oo xitaa mas’alooyinka maankiisa ka guuxayo uu u la’yahay jawaabo uu xal uga helo.” Ayuu yiri Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir Muudey oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa xiriirka dadweynaha ayuu ku yiri “Waxyaabaha yaabka leh ee hadalkiisa ka midka ah waa waxyaabo mala awaal ah oo aan ku qotomin wacyiga ka jira deegaanadeena, waana muhiim ogaanshiyo in uu u lahaado in bulshadeena faham badan ka heystaan bara-bagaanka ku saleysan danihiisa gaarka ah.”

Xildhibaan Xasan Cabdulqaadir ayaa sheegay in Goodax Barre aanu ka quusan in uu abuuro marxalad aan anfacaad u lahayn buu yiri bulshaddii ka sugeysay in uu wax u qabto.

“Walaalkeen weli kama quusan in uu abuuro marxalad aan anfacaad u lahayn buslahadii ka sugeysay in uu wax u qabto, maaadaama uu ka mid yahay Xildhibaannadii nooga wakiilka ahaa Dowladda Dhexe.” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaan Muudey oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xusay in Hirshabelle ku dadaali doonto in xubnaha uu ka midka yahay Xildhibaan Goodax aanay marin habaabin bulshada reer Hirshabelle.

“Hirshabelle State waxay ku dadaali doontaa shakhsiyaadka walaalkeen Goodax uu ka midka yahay in aysan bulshadeena marin habaabin, una horseedin dib u dhac kale.” Ayuu yiri Muudey.

Muudey ayaa Goodax ku eedeeyay in intii uu ahaa Wasiirka Waxbarashada Qaranka aanu xitaa hal buug uu wax ku barto arday qura geynin gobolkiisa, bedelkii uu gobolada kale ka sameeyay mashaariic horumarineed.

“Goodax maalintii uu Wasiirka ahaa maalina mageyn gobolka hal buug oo arday wax ku qorto, mana dhisin hal iskuul, xitaa ma booqan khabuurta cuqaasheena Hiiraan ku duugan tahay, halka gobole kale uu isugu daray mashaariic iyo booqasho uu ku bixiyay khabuurtii ku duugneyd.” Ayuu yiri Muudey.

Muudey ayaa intaasi raaciyay “Goodax walaalow shalay wax aadan dadkeena u qaban miyaa maanta Video kaga dhigeysaa mashaariicdii iyo wax qabadkii waajibka ahaa ay kaa sugayeen?”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com