Qarax Khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Wararka laga helaayo Degmada Kaaraan ee Gobolkaan Banaadir, ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax gaystay Khasaare dhimasho & dhaawac.

Qaraxa ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen in uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso, kaas oo lala eegtay Gaariga Xildhibaan hore ahna Siyaasi Caan ka ah Muqdisho kaasi oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan Afrax xilli uu marayay agagaarka Xarunta degmada Kaaraan gaar ahaan meel u dhow Garoonka Kubadda Cagta ee qoobdooro.

Hal Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, waxaana dhaawac uu soo gaaray laba kale oo gaariga saarnaa, xilliga Qaraxa lala beegsanaayay gaariga ma uusan saarneyn Muxudiin Xasan Afrax.

Ciidamada Booliska Degmada Kaaraan, ayaa durba tagay goobta Qaraxa uu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka qaadeen maydka Askariga & dhaawaca labada kale.

Qaraxyada Miinooyinka ee lagu aaso wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa soo badanaya, kuwaasi oo waxyeelo u gaysanaya masuuliyiinta.

Nagala sooo xiriir dhacdo@gmail.com