Rooble oo Wariye Macalimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay magacaabidda Afhayeenka cusub ee Xukuumadda.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maxamed Ibraahim Macalimuu u magacaabay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Macalimuu ayaa hadda ahaa Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ.

Macalimuu ayaa muddo dheer ku soo jiray Saxaafadda, isagoona ka mid yahay Wariye-yaasha kuwooda sida weyn looga garanayo dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com