Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa kulan gaar ah wuxuu Magaalada Garowe kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray marxaladda xasaasiga ah ee uu dalka maraayo & sida ugu wanaagsan ee looga bixi karo.
Qoraal kooban oo la soo dhigay Bogga xiriirka Bulshada ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si wayn ugu lafa gureen xaaladda kala guurka ah ee dalka xilligaan uu maraayo.
“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh iyadoo kulankan diirada lagu saaray marxalada uu dalku marayo iyo sidii si wadajir ah looga saari lahaa loona gaarsiin lahaa jawi xasiloon.” Ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa xaalad xiriir oo aad u liidata waxa ay kala dhaxeysa Dowladda Somaliya oo u aragta Jubbaland inay tahay mid la safan mucaaradka dowladda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Ciidamo isaga toos uga amar qaata waxa ay ku sugan yihiin Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo, halkaasi oo ah meesha ay isku hayaan Maamulka Jubbaland.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com