Banaanbax looga soo horjeedo weerarkii Ciyaartoyda K/galbeed lagu qaaday oo ka socda Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa waxaa goor dhow ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay dhigayaan dadka deegaanka Magaaladaas.

Boqolaal qof ah oo isugu jira dhalinyaro, Haween iyo Caruur ayaa  isugu soo baxay bartamaha Baydhabo, kuwaasi oo siweyn uga soo horjeeda weerarkii maalin kahor lagu qaaday gaari ay la socdeen Ciyaartooydii meteleysay Koonfur Galbeed, kaasi oo ka dhacay Muqdisho

Dadka dhigaaya banaanbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ay kamid yihiin doonimeyno Gobolka Banaadir, doonimeyno Cadaalad darro iyo erayo kale oo ka dhan ah Maamulka Gobolka Banaadir.

Inkastoo illaa hadda aysan cadeyn dadka dhibaatada u gaystay Ciyaartoyda Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya, haddana wali waxa ay wax ka tabanayaan Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Dhalinyarada & Ciyaaraha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inaysan ka qayb gali doonin tartan dambe oo ay qabanayaan Maamulka Gobolka Banaadir & xiriirka Kubadda Cagta Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com