Deni oo la kulmay xubno ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (SAWIRRO)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay xubno uu horkacayay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Puntland ku leedahay Facebook ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee DFS, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehliyaan xubno wafdigiisa ka mid ah.”

Qoraalka laguma sheegin waxyaabihii kulankaasi looga hadlay, hase ahaatee waxaa iska cad in kulanka looga hadlay arrinta doorashooyinka ee dalka, oo labada masuul ay si weyn uga soo horjeedaan dhabaha ay Dowladda Federaalka u mareyso maamulidda doorashooyinka.

Marka aad milicsato xubnaha kulanka ku wehlinayay Gudoomiye Xaashi ayaa ka arkeysaa in ay u badan yihiin kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Madaxweynaha Puntland ayaa 12-kii bishan shuruud adag ku xiray arrimaha doorashooyinka, xilli uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu shir kula lahaa Magaalada Garoowe.

Shirka oo Puntland looga dalbanayay in ay Magaalada Muqdisho u dirto Guddiga Doorashooyinka ku metelaya iyo inay soo magacawdo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, markaasi ka dibna la qabto shir looga hadlayo tabashooyinka jira ayuu Madaxweyne Deni ku gacan-seyray.

Deni ayaa xilligaa dalbaday in marka hore Ciidamada Dowladda laga soo saaro Gobolka Gedo, Gudoomiyaha Aqalka Sare-na looga dambeeyo magacaabidda Guddiga Doorashooyinka ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi iyo in la qabto shir looga hadlayo muranka cusub ee hareerayay Doorashooyinka Qaranka. Rooble ayaana 14-kii bishan ku khasbanaayay in fara marmaan uu kaga laabto Garoowe.

Deni, Xaashi iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa la aaminsan yahay in ay qayb ka yihiin gaashaanbuur ay hujuum siyaasadeed kala kulmeyso Villa Somalia.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com