Qoorqoor oo kulansiiyay Shariif Sheekh Axmed iyo Mahdi Guuleed

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay Magaalada Garoowe ku kulansiiyay Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Kulankan ayaa ahaa mid is arag uun ah, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka iyo masuuliyiinta kale ee Garoowe ku sugan ayaa magaaladaasi uga qaybgalaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Heritage.

Shirka Madasha Heritage oo sanad kasta dibadda lagu qaban jiray ayaa sanadkan ka qabsoomaya dalka, iyadoona maanta lagu wado in uu ka furmo Magaalada Garoowe.

Madaxda Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan Garoowe. Sidoo kale waxaa ku sugan Midowga Musharaxiinta, marka ay dhanka Dowladda Federaalka noqotana waxaa ku sugan Guddoonka Labada Aqal iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda.

Guuleed ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyay ee Villa Somalia ka tirsan oo la kulma garabka mucaaradka, ka dib khilaafka xoogan ee hareeyay doorashooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com