Wasiirka Arrimaha Dibadda oo tababar diblomaasiyadeed u soo xiray 19 sarkaal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa maanta oo Arbaco ah soo gebagabeeyay tababar diblomaasiyadeed oo soconayay muddo bil ah oo uu agaasimay Machadka diblomaasiyadda, kana faa’ideysteen 19 shaqaale oo da’yar oo ka tirsan Wasaaradda.

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud, ayaa sheegay in tababarkani oo ah kii afaraad ee Machadku qabto tan iyo markii dib loo furay 2 December, 2019, ay si lixaad leh ugu tababareen shaqaalaha afar maado oo kala ah ururrada adduunka, islaamka iyo diblomaasiyadda, taariikhda diblomaasiyadda Soomaaliya, habmaamuuska iyo anshaxa, iyadoo taasi ay sii dheertahay casharro ku saabsanaa beeraha iyo kheyraadka macdanta iyo batroolka Soomaaliya.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa uga mahadceliyay tababarayaasha mutadawiciinta ee Machadka kaalintooda ballaaran ee horumarinta shaqada si kor loogu qaado waxqabadka xirfadeed, isagoo ugu baaqay howlwadeennada la tababaray in wixii ay soo barteen u gudbiyaan saaxiibadooda shaqa-wadaagga ay yihiin si guul la taaban karo u gaaraan waaxyaha wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa caddeeyay sida weyn ee uu u danaynayo horumarinta Machadka Diblomaasiyadda, isagoo ku dhawaaqay inuu ka qeybqaadan doono ka tababare ahaan koorsooyinka tababarka ee diblomaasiyiinta Soomaaliyeed si loo dhiso awoodooda, isagoo tilmaamay in habka wax qoridda ay tahay fanka ugu wanaagsan ee wax lagu cabiro, lagu barto, laguna xiriiro, waxaana uu farta ku fiiqay in xoojinta hababkaasi ay muhiim tahay kahor wadahadalka iyo wadaxaajoodka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com