Banaanbax markale maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne

Banaanbaxaan ayaa waxa dhigay qaar ka mid ah Bulshada ku nool Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyaga oo uga soo horjeeday Maamulka Cusub ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Banaanbaxayaasha ayaa badankood waxa ay isugu soo baxeen Xaafada Xaawa Taako ee Magaalada Beledweyne, iyaga qaarkood dhagxaan iyo taayaro ay gubeen ku jaray wadada laamiga ah.

Dadka Banaanbaxa dhigay oo u badan Haween iyo Dhalinyaro ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay ka mid yihiin Hirshabeelle dooni meyno iyo Cadaalad ayaan rabnaa.

Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan xukun la sheegay in la doonayo in lagu rido dad dhawaan Booliska Hirshabelle ay xir xireen oo qaarkood taageero u ah Janeraal xuud, kuwaas oo horboodayay banaanbaxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Qaar ka mid ah Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ka dalbadeen Dowlad Goboleedka Hirshabeelle inay si deg deg ah xorriyadooda u siiyaan dadka u xiran, waxaana dadkaasi kamid ah Wariye hore Cali Daahir Xerow iyo Afhayeenka Jabhadda Janeraal Xuud.

Xaalada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa hareeyay banaanbaxyo tan iyo markii Magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo doorashadaas Bulshada Beledweyne ay kasoo horjeesteen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com