Ciidamada dowladda oo xiray inta badan Wadooyinka Muqdisho

Isgoysyada Muqdisho ayaa saaka lagu soo toosay iyaga oo xiran gaadiidkana loo diiday in ay isaga kala gudbaan Isgoysyada Magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaa lugeynaa wadooyinka taas oo dib u xusuusineysa maalmihii dhibaatada badnaa ee magaalada caanka ku aheed kala wareeg.

Lama oga sababta Dowladda ay u xanibtay isu socodka gaadiidka ee Magaalada, balse galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in ay dhacdo Ciyaarta final ee Dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ciidanka Booliska ee wadooyinka taagan ayaa xittaa diidaya Mootooyinka ay wataan dadka shacabka ah inay ka gudbaan Isgoysyada.

Wadooyinka Muqdisho ayaa Ciidamada ay xiraan marka ay doonaan sidoo kalena ay ku dhib qabaan shacabka.