SAWIRRO: Booliska suggaya goobaha doorashooyinka oo tababar loo soo xiray

Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa tababar u soo xiray Saraakiisha Booliska qaybtood, ee ka qayb qaadanaya hawlgalada lagu suggayo ammaanka goobaha doorashooyinka.

Saraakiishan oo isugu jiray Heer Federaal iyo Dowlad Goboleed ayaa tababarka lagu kala siiyay Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Amisom.

Tababarka oo 14 maalmood socday ayaa loogu talagalay qalabaynta Booliska Soomaaliyeed, kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha, ay u leeyihiin ilaalinta goobaha doorashooyinka.

Saraakiisha Booliska ee tababarka loo soo geba-gabeeyay ayaa sidoo kale la guddoonsiyay shahaadooyin cadeynaya in ay tababarka dhameysteen.

Dhanka kale Taliska Amisom ayaa sheegay in si deg deg ahi  tababarka loogu bilaabi doono Saraakiisha kale ee Booliska Soomaaliyeed, ee loogu talagalay inay ka qayb qaataan hawlaha suggida ee goobaha doorashooyinka.

Dowladda Federaalka iyo Taliska Amisom ayaa mar sii horeysay isu waafaqay in ay iska kaashadaan ammaanka goobaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com