Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska RW oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Xoghayaha cusub ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Ibraahim Nuur ayaa maanta xilka kala wareegay Xoghayihii hore, Cabdirisaaq Xuseen Aadan.

Munaasabad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia ayuu xilka kula wareegay Xoghayaha cusub, oo hal habeen ka hor uu magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdixakiin Xasan Ashkir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo goobjoog ka ahaa munaasabadaasi ayaa Xoghayihii hore uga mahadceliyay shaqada uu qabtay, halka midka cusubna u rajeeyay guul.

Wasiiru Dowlaha ayaa hawlwadeenada Xafiiskana Ra’iisal Wasaaraha kula dardaarmay in ay la shaqeeyan Xoghayaha cusub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com