Laamaha ammaanka oo Kismaayo ka bilaabay fulinta amar ka soo baxay Madaxtooyada

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa xalay hawlgalo lagu baadigoobayo kuwii ka dambeeyay qaraxii lagu dilay Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur ka bilaabay Magaalada Kismaayo, ka dib amar kaga yimid Madaxtooyada Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa war uu soo saaray waxaa uu hay’adaha amniga ku faray inay gacanta ku soo dhigaan dembiile-yaasha, si sharciga loo horkeeno.

Xildhibaanka ayaa lagu dilay qarax loogu xiray gaari uu lahaa, iyadoona uu qaraxaasi ku haleelay, xilli uu dhex socday xaafadda Farjano, waxaana tallaabada lagu dilay sheegtay mintidiinta Al Shabaab.

Ciidamada Jubbaland ayaa hawlgalo ay ka sameeyeen Magaalada Kismaayo, waxaa ay ku soo qabqabteen tiro dad ah.

Dadkan oo aan weli baaritaano rasmi ah lagu samayn ayaa waxaa la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama. Shabaabku waa cadowga keliya ee muuqdo ay maanta Soomaali leedahay.

Ciidamada ayaa intii ay hawlgalka wadeen waxaa la arkaayay iyagoo joojinaya gaadiid si teel teel ah xilligaasi magaalada loogu dhex watay, baaritaanana ku sameynaya.

Ciidamada Jubbaland ayaa la fillayaa inay sii wadi doonaan hawlgalkan ugu dambeeyay, ee ay tahay in lagu soo qabqabto dhagarqabe-yaashii Xildhibaanka dilay.

Hawlgalkan ayaa xoojinaya hawlgalo amni xaqiijin ah oo maalmihii la soo dhaafay, ee ay ciidamada ammaanka ka wadeen qaybo ka mida xaafadaha magaaladaasi.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Khaliif Haashim Nuur ayaa noqonaya Xildhibaankii ugu horeeyay ee sanadkan ku baxa gacanta kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com