Saddexdan nin ayaa xalay lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, ka dib markii xogtooda la helay.
Raggan oo burcadnimo loo haysto ayaa dhac ka gaystay Degmada Yaaqshiid, ka hor intii aan gacanta lagu dhigin, halkaasoo ay saddex qof oo rayid ah ay sidoo kale ku dhaawaceen.
Raggan oo dhuumaaleysi ahaan ku soo galay Degmada Heliwaa ayaa ka bilaabay in ay ku baartaan dadka rayidka ah, taasoo horseeday in lagu wargeliyo Ciidamada Booliska, oo iyana ka hawlgalay, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayen.
Saraakiisha ayaa sheegay in raggaasi lagu soo qabtay hubkii ay dadka shacabka ku dhibaateynayeen iyo weliba waxyaabaha maandooriya. Waxay kaloo sheegeen in sharciga la horgayn doono marka baaritaanka socda la soo geba-gabeeyo.
Khamiistii ayay ahayd markii saddex nin oo burcad ahaa lagu qabtay Aargada Degmada Dayniile.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com