Xarunta Idaacadda Al Shabaab ee Kunturwaarey oo la duqeeyay

Wararka ka imaanaya Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay uu degmadaasi ka dhacay weerar dhinaca cirka ah.

Diyaarad aan la aqoon dalka laga leeyahay ayaa duqeysay Xarunta Radio Andalus ee degmadaasi. Andalus waa idaacad afka Al Shabaab ku hadasha, iyadoona dhawr farac ku leh Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in fiidnimadii hore ee xalay ay maqleen jug is xigxigtay, taasoo gadaal laga ogaaday inay ahayd weerar lagu ekeeyay Xarunta Radio Andalus.

Xisbada Shabaabka ee sida booliska oo kale u tababaran ayaa daqiiqado ka dib isku gadaamay dhismaha idaacadda, iyagoona ka daad-gureeyay dadkii ku waxyeeloobay duqeyntaasi.

Dad ka ag-dhawaa goobtaasi waxaa laga soo xigtay in dadkii dhismaha laga soo saaray ay ku jiraan, kuwo ay xaaladoodu garaab tahay, isla-markaana uu burbur xoogan soo gaaray dhismaha idaacadaasi.

Hase yeeshee war ka soo baxay Al Shabaab waxaa lagu sheegay in saddex qof oo rayid ah oo joogay guri ku dhegan idaacadda ay ku dhaawacantay, burbur-na uu ka soo gaaray idaacadda.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, sidoo kalana Dowladda Federaalka ayaan illaa hadda ka hadal, waxaase la tuhunsan yahay in duqeyntaasi ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, haddii ay si joogto ahi weeraro uga fuliyaan deegaanada ay Shabaabku ka arrimiyaan.

17-kii bishii November ee sanadkii 2018 ayay ahayd markii Mareykanka uu burburiyay Xaruntii Idaacadda Andalus ee Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com