Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxay ka diggeen heshiis qarsoodi ah, oo Dowladda Federaalka ay la galeyso shirkado shidaal, oo sahmin shidaal, baaris iyo qodisba ay tahay inay sameeyan.
Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in maalmaha soo socda ay Wasaaradda Batroolka heshiiskaasi la saxiixan doonto laba shirkadood oo lagu kala magacaabo Liberty iyo Coastline, kuwaa oo laga leeyahay dalka dibaddiisa.
Heshiiskaasi ayay ku sheegeen halis aad u weyn oo ku soo fool leh masiirka, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo khayraadkooduba.
Akhriso warka Midowga Musharaxiinta


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com