Musharaxii ugu da’da yaraa oo isu soo sharaxay Golaha Deegaanka ee Hargeysa

Cabdinuur Axmed Cismaan (Indhacase) ayaa noqday musharaxii ugu da’da yaraa ee isu soo sharaxa Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa.

Musharax Cabdinuur Axmed ayaa iska soo sharaxay Bariga Hargeysa, si uu uga qaybgalo Doorashada Gole-yaasha Deegaanka ee bisha June ka dhaceysa Somaliland.

Cabdinuur Axmed waa nin dhalinyaro ah oo dibadda wax ku soo bartay, ganacsi ballaarana ku haysta Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo musharaxii ugu da’da yaraa ee ku dhiirado inuu isu soo taaggo ka mid noqoshada Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa.

Musharaxa ayaa sheegay in is bedel loo baahan yahay, isla-markaana ay tahay in dhalinyaradu ay ka soo muuqato Gole-yaasha Deegaanka.

Sidoo kale bulshada reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayuu ka codsaday in ay ku doortaan kartidiisa iyo aqoontiisa.

Deegaanada Somaliland ayaa looga diyaargaroobayaa Doorashooyinka Gole-yaasha Deegaanka, iyadoona la saadaalinayo in sanadkan wejiyo cusub lagu arki doono gole-yaashaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com