Wasiirka Amniga oo beeniyay in awaamiirta Garoonka Aadan Cadde loola dan leeyahay musharaxiinta

Wasiirka Amniga Somaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa meesha ka saaray in awaamiirta lagu joojiyay hubkii lala geli jiray Garoonka Aadan Cadde, ay tahay mid loola dan leeyahay Golaha Midowga Musharaxiinta.

Wasaaradda Amniga ayaa Axadii war ay soo saartay lagu sheegay in la koojiyay hubkii lala geli jiray gudaha Garoonka Aadan Cadde, iyadoo tani lagu sababeeyay kor u qaadidda ammaanka Garoonka Aadan Cadde iyo tixgelinta cabashooyin is daba joog ah, oo uga yimid Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Musharax Madaxweyne ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa tallaabadaasi ku sheegay mid lagu xoojinayo culeyskii horaanba loogu hayay Midowga Musharaxiinta.

Halkan kaga boggo wareysi uu Wasiir Xundubey siiyay VOA

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com