Xubnaha Guddiga doorashada ee muranka adag uu ka taagan yahay, ayaa waxa ay baaq u direen Beesha Caalamka, kadib markii kulan gaar ah ay la qaateen Safiir Ku xigeenka Dowladda Talyaaniga.
Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro iyo xubnaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa kulan la qaatay mudane Massimiliano Bertollo, Safiir ku-xigeenka Dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya. Waxay ka wada hadleen howlaha doorashada iyo talaabooyinka hore loo qaaday si waafaqsan heshiiskii 17-kii Sebtember ee ay wada gaareen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Gudoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa uga mahadceliyay dowladda Talyaaniga kaalinta ay kaga jirto tageerida Soomaaliya. Safiirka ayaa isna dhankiisa boggaadiyey shaqada la qabtay iyo dadaalada ay wadaan Guddiga Doorashada, isagoona ku adkeeyay inay qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah.
Guddiga ayaa safiirka u sheegay inay diyaar u yihiin hirgalinta doorasho daahfuran oo xiligeeda ku dhacda, waxayna ka codsadeen beesha caalamka inay kaalintooda qaataan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com