Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo gaaray Baydhabo (SAWIRRO)

Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur Galbeed ku metelaya Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii ugu dambeysay tababaro ku qaadanayay Magaalada Muqdisho, tababarka oo la xiriiray hawlaha doorashooyinka.

Tababarkan oo ay bixinayeen khubaro aqoon u leh ayaa Guddiga Doorashooyinka loo tababaray nidaamka, maamulidda doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadkaba.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Shaati-gaduud ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa 5-tii bishii November magacaabay Guddiga Doorashooyinka ee Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com