Madaxweyne Qoorqoor & Wakiilka QM oo ka wada hadlay Arrimaha Doorashada

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiyay qaramada Midoobay dadaalka ay ku bixineyso geedi-socodka dowladnimada dalka Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb,  James Swan ayaa dhankiisa markale ku celiyay inay muhiim tahay in Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & saamileyda kale inay ka wada hadlaan xalna ka gaaraan Arrimaha doorashooyinka.

Xalay ayay aheyd markii Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb,  James Swan uu kulan dhinaca Khdaka Internet-ka ah uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya & Madaxweynaha Hirshabeelle si gaar oo kala hadlay si xal deg deg ah looga gaari lahaa arrimaha ka taagan Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com